Friday, February 21st, 2020

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Warbaahinta Yurub Caawa Oo Sabti Ah

Published on January 5, 2020 by   ·   No Comments

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa haatan furan iyadoo kooxaha ay aad u raadinayaan xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Inta uu bishaan furan yahay suuqa kala iibsiga waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixino dhowr ah maalin walba oo aan idiin kugu soo gudbin doono wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo waxyaabaha ay ka qoreen warbaahinta waa weyn ee kubada cagta.

Kooxda Leicester City ayaa xiiseyneysa daafaca dhexe ee Juventus Merih Demiral, waxay ka fiirsanayaan inay heshiis amaah ah kula soo wareegaan xiddiga Turkiga sida ay sheegtay Sky Sports News.

Wararka Talyaaniga ka imaanaya ayaa iyagana sheegaya in Juventus ay soo diiday dalab 34 milyan ginni ah oo ay Borussia Dortmund ka gudbisay daafaca Demiral.

♦♦♦♦♦♦♦
Rajadii ay kooxda Chelsea ka qabtay saxiixa Wilfried Zaha waxaa sarre u sii qaaday in weeraryahanka Crystal Palace uu xiriir la sameeyay wakiilka Pini Zahavi si uu uga shaqeeyo ka tagistiisa garoonka Selhurts Park sida ay sheegtay Daily Maul.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa dhawaan laga qaaday cunqabateyn ka saarneyd suuqa kala iibsiga.

♦♦♦♦♦♦♦
Juventus ayaa u bandhigi doonta Manchester United lacag kaash ah oo uu la socdo xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Adrian Rabiot si ay ugu soo bedeshaan paul Pogba, sida ay qortay The Sun.

Kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa lagu waramayaa inay dooneyso inay Pogba ku soo celiso Turin bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

♦♦♦♦♦♦♦
Arsenal ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca reer Norwich Max Aarons sida ay sheegtay Daily Mail.

Si kastaba, kooxda ay deriska yihiin ee Spurs ayaa weli ugu cadcad inay hesho da’ yarkaan.

♦♦♦♦♦♦♦
Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo kula jirto xiddiga kooxda Lyon ee aadka loo qiimeeyo Moussa Dembele, laakiin kooxda Faransiiska ayaa dooneynin inay iibiso weeraryahankeeda.

♦♦♦♦♦♦♦
Chelsea ayaa hoos u dhigtay xiisaheeda xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho sababtoo ah tababare Frank Lampard ayaa aaminsan in soo xerogelinta gooldhaliye cusub inay ka muhiimsan tahay soo xerogelinta Sancho, sida ay qortay The Sun.

Advertisements

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayay in kooxda ka dhisan galbeedka London ay la soo saxiixan doonto xiddiga Ingariiska ee wacdaraha ka dhigaya Jarmalka bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.

♦♦♦♦♦♦♦
Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay ka cafiso Arsenal 15 milyan ginni oo ay si bilaash ah ku qaadato daafaca Jerome Boateng laakiin sharuuda ku xiran ayaa ah inay bixiyaan mushaharka dhameystiran ee 31 jirkaan oo gaaraya 196 kun ginni isbuucii,

Tags:

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo badanayaan Hablaha dhakhaatiirta ah

January 18, 2020
Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo ...

Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile?

January 18, 2020
Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis horudhac ...

Soomaaliya oo Kaalinta u Hoosaysa Ka Gashay Diiwaanka Dalalka ay Fududahay Ka Ganacsigooda

January 18, 2020
Warbixin cusub oo uu soo saaray bangiga caalamka ...

DAAWI QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ogaaday iyo wadamo aan Mareykanka Aheyn oo ku Lug lahaay.

January 11, 2020
QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ...

DEG DEG: Mareykanka oo si Lama filaan ah Xabad Joojin iyo Nabad uga Codsaday Dadweynaha IRAN iyo Dowladooda (VIDEO)

January 11, 2020
Madaxweynaha mareykanka ayaa waxa uu madaxda caalamka kala ...

DEG DEG: VIDEO MUUJINAYA QAABKI AY U BURBURTAY DIYAARADDII UKARINE EE KU QARAXDAY IRAN

January 11, 2020
Muiqaalkaan ayaa muijinaya dhicitaanki diyaaradii ukarine ee ku ...

Manchester United vs Norwich city The Red Devils could record a bad record if they lose to Norwich.

January 11, 2020
Manchester United host Norwich City in a crucial ...

DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo Laga Keenay Falcilin looga soo Horjeedo (VIDEO)

January 11, 2020
DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo ...

Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied about IRAN.

January 8, 2020
Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied ...

Qeybo Ka mida Dadka Masaakiinta ah ee ku Nool Magaalada Kismaayo Oo Kaalmo Lala Gaaray

January 7, 2020
Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubada hoose ...