Friday, February 21st, 2020

Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile?

Published on January 18, 2020 by   ·   No Comments

Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray qeybsiga biyaha webiga Nile oo muddooyinkii dambe ay isku khilaafsanaayeen Masar iyo Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa biyaha webiga Nile ka sameysay biyo xireen ay dooneyso in ay ka dhaliso koronto, mashruucaas oo ah biyo xireenka ugu weyn qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa waxaa uu xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray dalalka Masar iyo Itoobiya, waxaana Dowladda Itoobiya ay ku kharash gareyneysaa lacag dhan afar bilyan oo doolar.

Dalka Masar oo dadka ku nool ay tiradoodu gaareyso boqol milyan oo qof, dadkiisuna ay intiisa badan ku tiirsan yihin biyaha webiga Nile ayaa walaac ka qabto biyo yaraan ku imaan karta wabiga Nile.

Muranka xukuumadaha Qaahira iyo Addis Ababa ayaa markii hore ku saleysnaa in aanan la dhisin biyo xireenka, balse maadaama uu haatan gebogebo yahay, waxay dooda kusoo uruurtay sida uu biyo xireenkaas u buuxsami karo.

Masar waxaa ay haatan doorbideysa in biyo xireenka Itoobiya lagu buuxiyo si tartiib tartiib ah oo aan saameyn doonin helitaankeeda biyaha wabiga Nile, halka Itoobiyana ay dooneyso in ay durbo buuxiso biyo xireenka, si ay koronto uga dhaliso.

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo badanayaan Hablaha dhakhaatiirta ah

January 18, 2020
Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo ...

Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile?

January 18, 2020
Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis horudhac ...

Soomaaliya oo Kaalinta u Hoosaysa Ka Gashay Diiwaanka Dalalka ay Fududahay Ka Ganacsigooda

January 18, 2020
Warbixin cusub oo uu soo saaray bangiga caalamka ...

DAAWI QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ogaaday iyo wadamo aan Mareykanka Aheyn oo ku Lug lahaay.

January 11, 2020
QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ...

DEG DEG: Mareykanka oo si Lama filaan ah Xabad Joojin iyo Nabad uga Codsaday Dadweynaha IRAN iyo Dowladooda (VIDEO)

January 11, 2020
Madaxweynaha mareykanka ayaa waxa uu madaxda caalamka kala ...

DEG DEG: VIDEO MUUJINAYA QAABKI AY U BURBURTAY DIYAARADDII UKARINE EE KU QARAXDAY IRAN

January 11, 2020
Muiqaalkaan ayaa muijinaya dhicitaanki diyaaradii ukarine ee ku ...

Manchester United vs Norwich city The Red Devils could record a bad record if they lose to Norwich.

January 11, 2020
Manchester United host Norwich City in a crucial ...

DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo Laga Keenay Falcilin looga soo Horjeedo (VIDEO)

January 11, 2020
DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo ...

Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied about IRAN.

January 8, 2020
Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied ...

Qeybo Ka mida Dadka Masaakiinta ah ee ku Nool Magaalada Kismaayo Oo Kaalmo Lala Gaaray

January 7, 2020
Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubada hoose ...