Friday, February 21st, 2020

Maraykanka oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee saldhigga xeebta Lamu ee Kenya

Published on January 6, 2020 by   ·   No Comments

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar saaka lagu qaaday saldhiga Manda Bay oo ku yaalla deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in uu jiro weerar ay Al-Shabab ku qaadeen Saldhigaasi


Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Militariga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerarkaasi Al-Shabab.

Warka kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabab ee ah in weerarkaasi ay khasaaro ku geysteen taasi oo Mareykanka ku tilmaameen “buun-buunin”.

“Al-Shabaab waxay miciin bideen been, si ay sare ugu qaadaan sumcadooda ayna u abuuraan cinwaano been abuur ah,” waxaa sidaasi sheegay Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha AFRICOM.

“Waa muhim in looga hortago Al-Shabab meesha ay joogaan si looga hortago fidida Kansarka” ayaa intaa ku daray.

“Al-Shabaab waa urur argagixiso oo arxan,” ayuu yiri Janaraal Gayler.”

Bayaanka ay Mareykanka soo saareen ayaa lagu xusay inuu jiro waxyeelo dhanka qalabka ah oo weerarkaasi ka dhashay ayna imika socoto qiimeynta arrintaasi,islamarkana faafaahinta dib laga soo sheegi doono.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidamada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar ka hor inta uusan waaga baryin.

Sarkaal ka tirsan Dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalkaas, wuxuuna diiday inuu xaqiijiyo in ay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta is-qarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi sida ay sheegteen.

Tags:

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo badanayaan Hablaha dhakhaatiirta ah

January 18, 2020
Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo ...

Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile?

January 18, 2020
Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis horudhac ...

Soomaaliya oo Kaalinta u Hoosaysa Ka Gashay Diiwaanka Dalalka ay Fududahay Ka Ganacsigooda

January 18, 2020
Warbixin cusub oo uu soo saaray bangiga caalamka ...

DAAWI QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ogaaday iyo wadamo aan Mareykanka Aheyn oo ku Lug lahaay.

January 11, 2020
QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ...

DEG DEG: Mareykanka oo si Lama filaan ah Xabad Joojin iyo Nabad uga Codsaday Dadweynaha IRAN iyo Dowladooda (VIDEO)

January 11, 2020
Madaxweynaha mareykanka ayaa waxa uu madaxda caalamka kala ...

DEG DEG: VIDEO MUUJINAYA QAABKI AY U BURBURTAY DIYAARADDII UKARINE EE KU QARAXDAY IRAN

January 11, 2020
Muiqaalkaan ayaa muijinaya dhicitaanki diyaaradii ukarine ee ku ...

Manchester United vs Norwich city The Red Devils could record a bad record if they lose to Norwich.

January 11, 2020
Manchester United host Norwich City in a crucial ...

DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo Laga Keenay Falcilin looga soo Horjeedo (VIDEO)

January 11, 2020
DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo ...

Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied about IRAN.

January 8, 2020
Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied ...

Qeybo Ka mida Dadka Masaakiinta ah ee ku Nool Magaalada Kismaayo Oo Kaalmo Lala Gaaray

January 7, 2020
Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubada hoose ...