Friday, February 21st, 2020

Iran oo jabsatay website-ka rasmiga ah ee Maraykanka

Published on January 7, 2020 by   ·   No Comments

Koox ka soo jeedda dalka Iiraan ayaa qiratay in ay jabsadeen website-ka rasmiga ah ee Dowladda Maraykanka ayna ku baahiyeen fariin argagax leh

Muuqaalka Madaxweyne Trump oo dhiig ka muuqdo ayey ku shaaciyeen barta internet-ka ee Dowladda Maraykanka.

Fariin la socotay ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka falcelinayaan dilkii loo geystay Jeneraal Qaasin Sulaymaani.

Weli lama shaacinin cadaymo rasmi ah oo sheegaya in falkan ay Iiraan ka dambaysay.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray “in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!”

“Waxaan Iran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa”, ayuu Trump ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Lataliyaha hoggaamiyaha Iran Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu billaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahay Iran.

Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaad kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahayd in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoosi ah.

Tags:

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo badanayaan Hablaha dhakhaatiirta ah

January 18, 2020
Xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo oo ay kusoo ...

Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile?

January 18, 2020
Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis horudhac ...

Soomaaliya oo Kaalinta u Hoosaysa Ka Gashay Diiwaanka Dalalka ay Fududahay Ka Ganacsigooda

January 18, 2020
Warbixin cusub oo uu soo saaray bangiga caalamka ...

DAAWI QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ogaaday iyo wadamo aan Mareykanka Aheyn oo ku Lug lahaay.

January 11, 2020
QAABKI Loo ShirQoolay General Qasim Suleymani oo La ...

DEG DEG: Mareykanka oo si Lama filaan ah Xabad Joojin iyo Nabad uga Codsaday Dadweynaha IRAN iyo Dowladooda (VIDEO)

January 11, 2020
Madaxweynaha mareykanka ayaa waxa uu madaxda caalamka kala ...

DEG DEG: VIDEO MUUJINAYA QAABKI AY U BURBURTAY DIYAARADDII UKARINE EE KU QARAXDAY IRAN

January 11, 2020
Muiqaalkaan ayaa muijinaya dhicitaanki diyaaradii ukarine ee ku ...

Manchester United vs Norwich city The Red Devils could record a bad record if they lose to Norwich.

January 11, 2020
Manchester United host Norwich City in a crucial ...

DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo Laga Keenay Falcilin looga soo Horjeedo (VIDEO)

January 11, 2020
DEG DEG: Magacaabistii Baarlamaanka 2-aad Ee Galmudug oo ...

Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied about IRAN.

January 8, 2020
Mike Pompeo defends General Suleimani killing and Lied ...

Qeybo Ka mida Dadka Masaakiinta ah ee ku Nool Magaalada Kismaayo Oo Kaalmo Lala Gaaray

January 7, 2020
Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubada hoose ...